Site icon Radio Daljir

Madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada oo hakiyay wada shaqayntii dowladda dhexe (Akhriso)

Madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada oo ku shirsan magaalada Kismaayo ayaa go’aamiyay inay hakiyaan wada shaqayntii ay la lahaayeen dowladda dhexe.

Warsaxaafadeed ay kasoo saareen shirkoodii uga socday magaalada Kismaayo ayaa madaxwaynayaasha Puntland, Jubaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hir Shabelle ku eedeeyeen inay dowladdu ku tumatay dastuurka oo ay dhaqaaalihii ammaanka wax looga qaban lahaa ku burburinayso maamul goboleedyada.

Dhinacyada siyaasadda, doorashooyinka, ammaanka iyo dhaqaalaha ayaa laga soo saaray warmurtiyeedka.

Exit mobile version