Madaxwaynaha Soomaaliya oo shan waddan oo Yurub ah ka gudoomey waraaqaha aqoonsiga safaaradahooda

Waxaa manta si wada jir ah warqadahoodii Aqoonsiga safiirnimo ugu soo gudbiyey madaxwaynaha Soomaaliya Safiirada wadamada ?Jarmalka, Faransiiska, ?Isbaanishka, iyo Safiirka Fiinlaand kuwaas oo dhammaantood doonaya inay safaadahooda ka furtaan gudaha wadanka Soomaaliya.

Soo magacaabista safiiradan, Midowga Yurub waxay qirayaan ballantooda ku aadan umadda Soomaaliyeed waxayna hoosta ka xariiqeen kalsoonida ay ku qabaan geeddi socodka siyasadeed ee Soomaaliya. Iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya wuxuu ku salaysan yahay Xushmadda Midowga Yurub uu u hayo Lahaanshaha Maamul ee Dowladda Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa aaminsan iskaashigan inuu horseedi doono sal u dhigga tiirarka mustaqbalka Soomaaliyeed iyo sidii ay Soomaaliya looga hirgalin lahaa dawlad ku filaata baahida shacabkeeda waxaana aya tixgalinayaan ?waxqabadka dowladda Soomaaliya ee ku aadan Dib u heshiisiinta, Dhisidda Maamulada Federaalka,dhawrista Amniga iyo ?Maamul dhaqaale oo hufan iyo Kula noolaanshaha nabad waarta wadamada deriska ah.

Waa markii ugu horaysey mudo ka badan 20 sano oo wadamo intaas dhan ay codsiga safaadahooda u soo gudbiyaan Soomaaliya.

Diwaanka Wararka radio Daljir?

Muqdisho.

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com