Madaxwaynaha Soomaaliya oo Ivory Coast uga qaybgalaya shir caalami ah

Madaxwaynaha Soomaaliya oo Ivory Coast uga qaybgalaya shir caalami ah

Madaxwaynaha dowladda faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, wasiirkiisa arimaha dibadda iyo xildhibaano katirsan laba aqal ee baarlamaanka  ayaa gaaray caasimadda dalka Ivory Coast ee Abiijaan, halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen Madaxweyne ku xigeenka dalkaas Daniel Kablan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Marcel Amon Tanoh iyo saraakiil kale.

Madaxwaynaha ayaa ka qaybgalaya shir looga hadlayo Iskaashiga Midowga Afrika iyo Midowga Yurub oo ka furmaya wadanka Ivory Coast, waxaana shirkan uu soconayaa laba cisho iyadoona diiradda uu saarayo shirka mustaqbalka xiriirka Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, arimaha ammaanka, socdaalada, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, dimuqraadiyadda iyo maalgashiga.

Madaxwaynaha ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelan doona madaxda wadankaasi iyo hogaamiyeyaasha shirka ka qaybgalaya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com