Madaxwaynaha Puntland “Qorshaha dekedda kama laabanayno” (dhegayso)

HomeWararka

Madaxwaynaha Puntland “Qorshaha dekedda kama laabanayno” (dhegayso)

Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed CalI Gaas oo ka hadlayay muranka ganacsatada iyo dowladda ee arimaha dekedda Bosaso ayaa waxaa uu she

Waanada Maanta – Taliye Abshir M Cabbaas, Saldhigga Qardho: “Waligiin Qof Miskiin ah Ha Dulminina” (dhegayso)
Xaaladda dalka Uganda iyo Xanuunka Covid19 (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe ( dhegayso)

Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed CalI Gaas oo ka hadlayay muranka ganacsatada iyo dowladda ee arimaha dekedda Bosaso ayaa waxaa uu sheegay inay dowladda ka laaban doonin qorshaheeda wareejinta ee dekedda.

Waxaa uu sheegay inay golaha wakiilada Puntland ay ansixiyeen, iyaguna ay fulin doonaan, waxaa uu ugu yeeray dadka kasoo horjeeda hanaanka maamul ee dekedda inay dowladda soo dhowaynayso oo ay la hadli doonto.

Muddooyinkii u dambeeyey ganacsatada wax kala soo dega dekedda Bosaso ayaa ka cabanayay in lagu kordhiyay lacagaha laga qaado doonyaha goorta ay soo xiranayaan, balse dowladda ayaa ku doodaysa inaan wax isbadal ah lagu sameyn khidmadihii horay looqaadi jiray.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: