Madaxwaynaha Puntland oo soo dhoweeyey duqayntii Mareykanka uu ku qaaday Daacish

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlayay duqayntii Mareykanka uu ka fuliyay Jimcihii lasoo dhaafay buuralayda u dhow degmada Qandala ee gobolka Bari oo ay ku suganyihiin koox katirsan Daacishta Soomaaliya ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo.

Waxaa uu sheegay hay’adaha ammaanka ee Puntland inay xaqiijiyeen inuu ka badbaaday duqayntaasi hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya Cabduqaadir Muumin.

Madaxwaynaha Puntland ayaa sidoo kalle sheegay kooxaha Al-shabaab iyo Daacish in lagu soo afjari karo dagaal adag oo lala galo iyo taageero lasiiyo ciidamada Soomaaliya.

Mareykanka ayaa weerarka uu ku qaaday Jicmihii Qandala waxaa la xaqiijiyay inuu khasaare kasoo gaaray xoolo nool oo deegaankaasi joogay, lamana oga inuu khasaare soo gaaray kooxdii la duqeeyey.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com