Madaxwaynaha Puntland oo masuuliyiin magacaabay (Akhriso)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray 20 August 2018 si ku meel gaar ah ugu magacaabay Gudoomiyaha Iyo Ku-Xigeenka Gudoomiyaha Degmada Badhan.

 

Xeer Madaxweyne Lr. 107 August 20, 2018, kuna saabsan magacaabid Gudoomiyaha iyo Gudoomiye Ku-Xigeen ku meel gaarka ah Ee Degmada Badhan.

 

Madaxweynaha Dowladda Puntlnad.

 

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntlnad.

 

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto shaqada maamulka Degmada Badhan.

 

Markuu qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose Iyo Harumarinta Reer Miyiga.

 

Waxuu xeeriyey:

 

1. Waxaa Cabdirisaaq Axmed Ciise si ku meel gaar ah loogu magacaabay Gudoomiyaha Degmada Badhan.

 

2. Waxaa Saynab Cabdi Aar si ku meel gaar ah loogu magacaabay Ku-Xigeenka Gudoomiyaha Degmada Badhan.

 

-DHAMMAAD-


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com