Madaxweynaha Dawladda  Puntland oo isku shaandhayn  ku Sameeyay Agaasime waaxeedyada maamulka iyo maaliyadda ee wasaaraddaha.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 28 June 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegto isku shaandhayn Agaasime waaxeedyada maamulka iyo maaliyadda ee wasaaraddaha.

Xeer Madaxweyne Lr.73 ee June 27 2018 kuna saabsan isku shaandhayn Agaasime waaxeedyada maamulka iyo maaliyadda ee wasaaraddaha.

Dawladda Puntland.

Markuu arkay:                      Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu arkay:                      Muhiimadda ay leedahay dar-dargelinta shaqada maamulka iyo maaliyadda ee Wasaarddaha

Markuu Tixgeliyey:              Talo soo jeedinta wasiiradda iyo agaasimayaasha Guud ee Wasaarddaha Dawladda Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa Cabdirisaaq Xassan Faarax loo magacaabay Agaasimaha  waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda cadaaladda, diinta iyo dhacancelinta
  1. Waxaa Maxamuud Axmed Saalax loo magacaabay Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda caafimaadka
  1. Waxaa Mahad Colaad Maxamed loo magacaabay Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare
  1. Waxaa Cabdicasiis Siciid Bootaan loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha
  1. Waxaa Xassan Shire Abgaal loo magacaabay Agaasimaha Waaxda   maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha
  1. Waxaa Cabdi Axmed Yuusuf loo magacaabay Agaasimaha Waaxda  maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda Qorshaynta iyo iskaashiga Caalamiga ah
  1. Waxaa Axmed Cali Gargaar loo magacaabay Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose
  1. Waxaa Axmed Xariir Gaas loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska
  1. Waxaa Cabdifataax Cali Jaamac loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Maaliyadda
  1. Waxaa Faarax Maxile Jaamac loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimilada
  1. Waxaa Yaasiin Axmed Rooble loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo maaliyaqdda ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada
  1. Waxaa Cabdirisaaq Jaamac Nuur  loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Shaqada, shaqaalaha iyo Ciyaaraha
  1. Waxaa Maxamed Abshir Jaamac loo magacaabay Agaasimaha waaxda Maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka
  1. Waxaa Cabdi Cali Yuusuf loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo maaliyadda ee Wasaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta
  1. Waxaa Siciid Maxamed Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Waaxda maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Amniga.

                                                                         

  1. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *