Madaxwaynaha Puntland iyo Wakiilka QM Michael Keating oo Garoowe ku kulmay (dhegayso)

Madaxwaynaha Puntland iyo Wakiilka QM  Michael Keating oo Garoowe ku kulmay (dhegayso)

Kulan qaatay saacado ayaa aqalka madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe waxaa uu ku dhexmaray madaxwaynaha dowladda Puntland iyo Wakiilka QM ee Soomaaliya danjire Michael Keating.

Kulanka ayaa ahaa mid albaabada uu u xirnaa, markii uu soo dhamaaday kadib ayaa kulan ay labada masuul ay u qabteen warbaahinta waxaa ay ku faahfaahiyeen ujeedka imaatin ee Keating ee Puntland iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen madaxwaynaha Puntland.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayntii kulanka ka sheegay in laga wada hadlay xaaladda ammaanka, siyaasadda, doorashooyinka 2020 ee dalka iyo dastuurka.

Madaxwaynaha Puntland ayaa sheegay in dhamaan qodobada shirkaasi looga wada hadlay la isku afgartay, ayna kasoo baxeen qodobo miro dhal ah.

Danjire Keating ayaa dhankiisa sheegay kulanka in looga wada hadlay hanaanka doorashada dalka ee 2020, socodkiisa Puntland uu qayb ka yahay socdaalo uu ku marayo dowlad goboleedyada,waxaana uu xusay danjiruhu inuu kala hadlay madaxwaynaha Puntland colaadda deeganka Tukaraq ee Somaliland iyo Puntland ee ciidamadoodu isku horfadhiyaan, lana joojiyo dagaalka labada dhan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Nuurkanederland 6 years ago

    WAA KUMA MICHEAL KAETING?.
    MICHAEL KEATING WAA NINKA DAAHA GADAASHIISA DALKA KA XUKUMA WAANA GUMEYSTE LOOSOO DIRAY SOMALIYA INUU LUGAHA QABTO.
    DABCAN ALSHABABNA WAA ADEEGAYAASHIISA.
    MICHEAL KAETING WAA NIN KU BARYO TAGA MAGACA SOMALIYED DABADEEDNA WAXAY DUNIDU UGU SOO DHIIBTANA SHACABKA KU DUL CUNA, WAANA MUSUQMAASUQA AABIHII.
    WAANA CUNSURI U DIIDAY QOF SOMALI AH INUU KA SHAQEEYO XALANE GUDAHEEDA.ISWEYDIINTU WAXAY TAHAY XERADA XALANE MA LONDON BAY KU TAAL MISE MUQDISHO?.
    CLOSE XALANE.
    TOILET PAPER
    GO FUCK YOUR SELF.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com