Madaxwaynaha lagu muransanyahay ee Galmudug oo amar cusub soo rogay

Madaxwaynaha Galmudug ee baarlamaanka uu xilka ka qaaday ayaa soo rogay amar cusub oo uu ku mamnuucayo diyaaradaha ka yimaada magaalada Muqdisho inaanay ka degi karin magaalada Cadaado marka laga reebo diyaaradaha QM iyo AMISOM.

Sida lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxwaynaha Galmudug waxaa loo soo cuskaday faragalin shaqsiyaad ay soo dirsatay dowladda faderaalka iyo xukuumadduba ay ku hayaan maamulka Galmudug, sida hadalka loo dhigay.

Hoos ka akhriso

Galmudug ayaa waxaa ka jirta khilaaf soo kala dhexgalay baarlamaanka iyo maamulka oo keentay inay xilkii ka qaadaan madaxwaynaha Galmudug, inkastoo uu siwayn uga soo horjeestay.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com