Madaxwaynaha Kuuriyada Waqooyi oo kormeeray gantaalaha cusub

Madaxwaynaha Kuuriyada Waqooyi ayaa kormeeray hanaanka hagidda gantaalada wax ilaaliya , si’uu u xaqiijiyo hanaanka cusub ee awoodda dalkiisa ee dhanka dagaalkaa.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa shaaca ka qaaday tijaabada ganataalada cusub ee dalkiisa inay digniin ku filan u diraysa awoodaha Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed oo si wadajir ah u sameynaya dhoolatus militari.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in maanta oo Arbaco ah uu soo saaray qoraal uu ku fahfaahinayo kormeerkiisii Talaadadaii, isagoona ku sheegay inuu yahay awooddda dagaaalka mid uu ku xaqiijinayo, waxaana Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay gantaalkii afaraad muddo 12 beri gudahood.

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa ka digtay dhoolatuska wadajirka ee Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed inay saamayn ku yeelan karto heshiiskii Nuclearka ee Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com