Madaxwaynaha Kenya: “Soomaaliya waxaa duminaya hay’ado shisheeye”

Madaxwaynaha Kenya: “Soomaaliya waxaa duminaya hay’ado shisheeye”

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Hay’ado caalami ah oo ka howlgala gudaha Soomaaliya ay caqabad ku yihiin dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu ka hadlayay khudbaddiisa sanadlaha ah ee uu u jeediyo Shacabka Kenya,waxaa uu sheegay in Hay’adaha ku sugan Soomaaliya ay doonayaan in ay dhabarka ka jebiyaan guulihii xanuunka laga maray ee ay gaartay AMISOM.

Waxaa kale oo uu sheegay in hay’adahaas ay ka shaqeynayaan kala qeybinta Soomaaliya,shacab ahaan,dowlad ahaa iyo gobol ahaamba.

Waxa uu Madaxweyne Kenyatta sheegay in amni soo celinta Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan ay yihiin waxyaabaha ugu weyn ee ku jira qorshahiisa maamulka shanta sano ee soo socota.

“Inta aan ku jirno la dagaallanka argagixisada,waxaa noo dheer in ay wiiqayaan dadaalladeenna kuwa dadka tahriibiya,kuwa sohdimaha si sharci darro ah uga shaqeeya,inta ay Soomaaliya amni darro tahay annagana waan nahay,haddii ay nabad helaan annagana nabad ayaan heleynaa”ayuu yiri Madaxweyne Kenyatta.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Nuurkanederland 6 years ago

    XERADA XALANE WAA MEESHA DALKA LAGA LUGOOYO.
    CLOSE XALANE.
    MOVE UNSOM & AMISOM=THEY ARE DEALERS=QANDARAASLAYAAL.
    TOILET PAPER

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com