Madaxwaynaha Jubaland iyo Guddiga Dastuurka oo kulmay (sawiro)

Madaxwaynaha Jubaland iyo Guddiga Dastuurka oo kulmay (sawiro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay casho sharaf u sameeyey Gudiga madaxa banaan ee Dastuurka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Gudiga la socodka dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa labada gudi kula dar daarmey in la dardar galiyo dhameystirka Dastuurka, sidoo kalena laga feejignaado in Dastuurka la xado ama dano gaar ah lagu saleeyo dhameystirkiisa.

“Waxaan caawa aad ugu faraxsanahay inaan kulan idinla yeesho adinka oo ah Guddiga u xilsaaran arrimaha dib u eegista Dastuurka, waxaan adinka fileynaa inaad dardar gelisaan hawlaha Dastuurka, si horey loogu sii socdo.” Ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, Gudigga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa banbax-howleed soconaya  maalmo kooban uga socdaa magaalada Nairobi.

Saddexda hay’ad oo yeelanaya kulamo wadajir ah ayaa ka arrin sanaya xoojinta wada shaqeynta iyo sidii loo dar-dargelin lahaa Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com