Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Faderaalka ee Soomaaliya oo hakiyay kulankii baarlamaanka ee maanta

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Faderaalka ee Soomaaliya oo hakiyay kulankii baarlamaanka ee maanta

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hakiyay kulankii maanta la filayay inay yeeshaan golaha baarlamaanka ee Soomaaliya, kaasi oo ay jirtay kala qaybsanaan kusaabsanaa ajandaha kulanka.

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay u sheegay kulanka maanta la filayay inuu dhaco inay diiradda kusaarayaan mowshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, halka xildhibaanada qaarkood ay sheegeen in darbiga Kenya ay dhisayso looga hadlayo.

Khilaafka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sii xoogaystay, iyadoona lagu fashilmay dadaallo lagu doonayay in lagu dhameeyo khilaafka oo ay wadeen guddi katirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com