Madaxwaynaha Hirshabelle oo heshiis la galay dowladda dhexe (dhegayso)

Madaxwaynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo sidoo kalena ah guddoomiye kuxigeenka golaha iskaashiga ee dowlad goboleedyada ayaa heshiis la galay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Isagoo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay inay ka heshiiyeen madaxda sare ee dowladda khilfaakii kala dhaxeeyey.

Waare, ma sheegin waxa heshiiska uu la galay ahaa, balse madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada kalle ayuu ugu baaqay inay la heshiiyaan dowladda faderaalka.

Madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada ayaa dhowaan jaray xiriirkii kala dhaxeeyey dowladda, iyagoona sidoo kale shuruud adag ku xiray ka qaybgalka shir uu ugu baaqay madaxwaynaha Soomaaliya inay kasoo qaybgalaan.


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Madaxwaynaha Hirshabelle oo heshiis la galay dowladda dhexe (dhegayso)”

  1. Nuurkanederland

    Kkkkkkkkk.
    Saasaan kaa rabaa.
    20% DFS weysoo celisay.
    80% baa maqan oo ah afarta maamul eekele!.

U Jawaab Nuurkanederland Buri halceliska

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com