Madaxwaynaha Eriteriya Asias Afawarki oo siwayn loogu soo dhoweeyey Addisababa (sawiro)

Madaxwaynaha Eriteriya Asias Afawarki oo siwayn loogu soo dhoweeyey Addisababa (sawiro)

Madaxwaynaha Eriteriya Asias Afawarki ayaa gaaray caasimadda Itoobiya ee Addisababa, halkaasi oo ay uga bilaabatay booqasho sadex maalin ah.

Raysal wasaaraha Itoobiya Abey Axmed ayaa siwayn ugu soo dhoweeyey magaalada Addisababa, iyo shacabka wadanka Itoobiya.

Booqashada Afawarki ee Addisababa waxaa ay tahay mid taariikhi ah, waana markii ugu horaysay oo labaatan sano kadib uu gaaro dalkaasi, waxaana ay daba socotaa booqashadii taariikhiga ee raysal wasaaraha Itoobiya uu dalkaasi ku tagay iyo heshiiskii labada dal ee Itoobiya iyo Eriteriya ee lagu soo afjaray colaaddii u dhaxaysay labaatanka sanadood oo kumanaan ay uga geeriyoodeen labada dal iyo dib usoo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com