Madaxwaynaha dowladda Puntland oo kormeeray xarumo dowladeed (sawiro)

Madaxwaynaha dowladda Puntland oo kormeeray xarumo dowladeed (sawiro)

Maarso 03, 2019, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku tegey qaar ka mid ah xarumaha dowladda ee magaalada Garoowe, waxaana ku wehelinaayey kormeerkiisa saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

 

Xarumaha uu kormeerka shaqo ku tegey Madaxweynuhu waxaa ka mid ah Wasaaraddaha, Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta, Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska, Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Bangiga Dhexe ee Dowladda Puntland, xarunta Gobolka Nugaal, Xarunta Tiifiiga iyo Idaacadda Dowladda Puntland iyo Xarunta hay’adda wadooyinka Puntland (PHA).

 

Wasiir Ku-xigeen Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Cabdisalaan Xaaji Siciid Faarax ayaa ka warbixiyey Kormeerka Madaxweynaha.

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey qaar ka mid ah xarumaha dowladda ee magaalada Garoowe, Madaxweynuhu wuxuu Kula kulmay xarumahaasi masuuliyiinta wasaaraddaha, iyo dhammaan hawl-wadeenadooda, wuxuu Madaxweynuhu dhegaystay warbixino kala duwan oo ay siiyeen shaqaalaha iyo Madaxda xarumaha uu booqday”.

 

“Madaxweynuhu waxaa uu Kula dardaarmay dhammaan hawl-wadeenada dowladda, Isla markaasina uu kala hadlay qaabka shaqada ay u soconayso, iyadoo runtii ay maanta u ahayd, guud ahaan xarumaha dowladda, gaar ahaan kuwa uu booqday maalin ay soo bandhigayeen maxsuul ka shaqadooda iyo weliba mustaqbalka waxyaabaha ay hiigsanayaan” Ayuu yiri Wasiir Ku-xigeen Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Cabdisalaan Xaaji Siciid Faarax.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com