Site icon Radio Daljir

Madaxwaynaha Dowladda dhexe iyo madaxda dowlad goboleedyada oo Garowe kusoo wajahan

Magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland ayaa waxaa loo balansanyahay maalinta Sabtida ee 4ta taariikhdu ku beegantahay inuu kafurmo shirka wadatashiga qaran ee madaxwaynaha dowladda faderaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Ciidamo katirsan madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo howlwadeenada xafiisyada madaxwaynaha iyo raysal wasaaraha ayaa saacadihii lasoo dhaafay soo gaarayay magaalada Garoowe.

Madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada Jubbaland , Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle ayaa sidoo kalle lagu wadaa inay yimaadaan.

Shirkan ayaa kaga duwan shirarkii inuu yahay mid aan lagu shirayn magaca golaha amniga qaranka ee madaxwaynaha uu hogaamiyo, waxaana si guud diiradda loogu saarayaa kala aragti duwanaata siyaasadeed ee madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

 

Exit mobile version