Madaxtooyadda Somaaliya oo shaacisay xiligu furmayo shirka DFS & dowlad gobaleedyada

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in maalinta Khamiista ah ee soo socoto uu Magaalada Muqdisho ka furmi doono Shir u dhaxeeya dhammaan maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyadda Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in shirkaan lagu dhameystiri doono Shirkii Dhuusamareeb 3.

“Waxaa Villa Soomaaliya ka furmaya Khamiis, 10ka Sebteembar shir ay u dhanyihiin Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaasoo lagu dhammeystirayo hanaanka doorashooyinka dalka, iyadoo uu saldhig u yahay heshiiskii Samareeb-3” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Madaxda maamulada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa maalinta berri shir uga furmi doono Baydhabo.

Waxaa sidoo kale Muqdisho todobaad ku sugan Madaxda Jubbaland iyo Puntland oo kasoo horjeedda qodobadii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb3.

Diwaanka Wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com