Madaxtooyada Dawladda Puntland oo katacsiyadeyaay Xildhibaan horre Boqor Cumar

Madaxtooyada Dawladda Puntland oo katacsiyadeyaay Xildhibaan horre Boqor Cumar

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr: Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Tacsi u diray dhammaan Shacabka  Puntland,  Qoyska iyo Eheladii Allaah ha’u naxariistee Marxuun Boqor Xildhibaan  Cumar Ismaaciil Maxamed ( Sanweyne ) oo  ku geeriyooday Boosaaso saaka aroortii,    Marxuun Boqor Xildhibaan Cumar Ismaaciil Maxamed  ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii  lagu Aasaasay Puntland, isla markaana ka mid ahaa hoggaanka dhaqanka Puntland

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa si gaar ugu Tacsiyeeyay  dhammaan goleyaasha Dawladda iyo wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa  Allaah uga Baryay Marxuunka inuu  Janno Fardowso ka waraabiyo Aamiin Aamiin,   Illaahayna samir iyo iimaan waasic ahna Alle ka siiyo qaraabadii Ehelkii Asxaabtii iyo dhammaan Shacabka  Puntland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com