Madaxdii hore  ee dalka oo kulan Xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

HomeWararka

Madaxdii hore ee dalka oo kulan Xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

Magaalada Muqdsho ayaa waxaa weli ka socda klamo siyaasadeed oo looga hadlayo xaalada dalka iyo xiisada ka dhalartay muddo kordhinta ay Golaha Shacabk

Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso (dhegayso)
MAANHADAL: Khilaafka hareeyay doorshada dalka iyo kulanka beri ee madaxda DFS iyo Maamul Goboleedyada (dhegayso)
Garowe: Dawlada Hoose oo digniin kasoo saartay arimaha COVID19 (daawo)

Magaalada Muqdsho ayaa waxaa weli ka socda klamo siyaasadeed oo looga hadlayo xaalada dalka iyo xiisada ka dhalartay muddo kordhinta ay Golaha Shacabka u sameeyeen Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Galabta waxaa kulan wada qaatay Madaxweynayaashii hore ee Dalka Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Madaxweyn aha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe, Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali iyo Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Kalankn oo ka dhacay Hoyga Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga hadlay Xaaladaha Guud ee Dalka iyo sida laga yeelayo muddo kordhinta ay sameeyeen Golaha Shacabka, kaas oo xiisad ka dhalatay ay ka taagan tahay magaalada muqdisho.

Wararka kulanka laga helay ayaa sheegaya in Madaxweynayaashii hore ee dalka ay ka dalbadeen Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu cadeeyo mowqifkiisa ku aadana muddo kordhinta iyo in uu si cad uga soo horjeesto.

Tan iyo markii Golaha Shacbaka aym uddo kordhnta sameeyeen ee 12-kii Bishaan ayaa waxaa socday kuamo isdaba-joog ah, waxaana siyaasiyiinta mucaaradka ay doonayaan in la laalo muddo kordhinta Golaha Shacbaka si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: