Madaxda Soomaalida oo maalintii 3aad kushirsan Muqdisho.

Muqdisho, Sep 08 2016–Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya waxaa maalinkii saddexaad kasocda shirka madasha qaran ee doorashada Soomaaliya, oo ah kii ugu dambeeyey ee madaxda Soomaalida.

Shirkan oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa ka qeybgalaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Mudane Maxamed Cumar Carteh iyo madaxda dowlad goboleedyada Koonfuur Galbeed, Puntland, Galmudug iyo Jubbaland.

Waxaa uu kulankan noqonayaa kii ugu dambeeyay ee Madasha Hoggaanka Qaran isugu yimaadaan, iyadoo shirkan kadib si toos ah loo dhaqaaqaayo hirgelinta hannaanka doorashada labada aqal iyo tan madaxtinimada.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com