Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo Gaalkacyo lagu soo Dhaweeyay

Somalia, November 30, 2015-(Daljir)_ Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wefti Ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa maanta 30-Nov-2015 lagu soo dhoweeyey Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Weftiga ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Dawladda Jubba-Land Axmed Maxamed Islaan,Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Jubba-Land Generaal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag , Wasiiro iyo Xildhibaano kamid ah kakala socdey Dawladda Puntland iyo Maamulka Jubba-land.

Soo dhoweynta weftiga ayaa waxaa kaqayb qaatay Maamulka Gobolka iyo kan degmada Gaalkacyo  Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan iyo Dadweyne kale.

Weftiga ayaa intaanu soo gaarin magaalada Gaalkacyo wuxuu kusoo hakaday Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug halkaas oo labada Madaxweyne ay kula hadleen boqollaal dadweyne ah oo ka qayb qaatay  soo doweynta weftiga.

Ujeedka safarka ayaa ahaa sidii xal waara loogu heli lahaa  shaqaaqooyinkii dhowaan kadhacay magaalada gaalkacyo ee u dhexeeyey Ciidamada Dawladda Puntland iyo Maleeshiyaadka maamulka cadaado.

Soo dhoweynta weftiga kadib ayaa waxaa loosoo gelbiyey Qasriga uu ka degganyahay  Madaxweynaha Dawladda Puntland Magaalada Gaalkacyo halkaas oo ay si wada jir ah warfidiyeenada ugula hadleen labada Madaxweyne.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in  Socdaalkoodu ku qotomo sidii loosoo afmeeri lahaa shaqaaqooyin dhowaanahan ka aloosnaa Magaalada Gaalcyo isla markaasi ummadda loogu soo bandhigi lahaa ciddii dhibaatadan masuuliyadeeda iska lahayd.

Madaxweynaha Dawladda Puntland  Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale nasiib darro ku tilmaamay dagaalkii kadhacay magaalada gaalkacyo iyo dhiigga muslinka oo sabab la’aanta loo daadiyey, isagoona ku celiyey inay weli diyaar u yihiin  sidii xal loogu raadin lahaa dhibaatooyinka dhacay looguna horseedi lahaa waddanka nabad iyo xasilooni waarta.

Madaxweynaha Dawladda Jubba-land Axamed Maxamed Islaan ayaa geestii sheegay inay u yimaadeen sidii loo xallinlahaa shaqaaqadii ka dhacday magaaalda Gaalkacyo isla mar ahaantaa loosoo celin lahaa dadkii soomaaliyeed ee ka barakacay shaqaaqooyinkii kadhacay magaalada Gaalkacyo, waxaanu ilaahay ka rajeeyey inay kuguulaysan doonaan nabadaynta ay wadaan.

 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com