Madaxda madasha qaran oo yeelanaysa shirkii ugu dambeeyey.

Muqdisho, Dec 13 2016-Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maanta markale ka furmo shirka Madasha wadatashiga qaran ee doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Shirkaani oo noqon doona kii ugu dambeeyey ee madasha ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweynaha Soomaaliya iyo madax ka socota maamul goboleedyada dalka Soomaaliya kajira.

Qodobada ugu muhiimsan ee looga hadlayo shirka ayaa waxaa kamid ah arrimaha doorashada gaar ahaan qoondada xildhibaanada aqalka hoose ee waqooyi ay kuleeyihiin gobolada Sool iyo Sanaag. 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com