Madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug oo kawada hadlaya colaada Galkacyo.

Galkacyo, Nov 12 2016-Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta lafilayaa inay kulan kuyeeshaan madaxweynaha dowladda Puntlland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, kulankaas oo looga hadli doono colaada ka taagan Magaalada  Gaalkacyo.

Kulankan ayaa la filaaya in ay goob joog ka noqdaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaha Jubbaland, Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya iyoo xubno kale.

Labada madaxweyne ayaa siyaabo kala duwan maalinkii shalay ahayd loogu soodhoweeyey magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyadoona lafilayo inay xal waara kagaarin colaada Galkacyo.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0