Madaxda Maamulada Puntland iyo Gal-Mudug oo ku shirsan Garoonka Gaalkacyo

Somalia, December 04, 2015-(Daljir)_ Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo Ee C/llaahi Yuusuf ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake,Madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug iyo Culimadda Gobolka Mudug waxaa hadda uga soconaya Kulan looga Arrin sanayo sidii loo kala qaadi lahaa Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ee ku dagaalamaya Magaalada gaalkacyo.

Kulanka oo Warbaahinta ay Banaanka ka joogto ayaa la sheegay inuu ujeedkiisu yahay kala qaadida Ciidamada isku hor fadhiya Magaalada Gaalkacyo islamarkaana lagu Celiyo Xeryahooda.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah Saraakiisha Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug oo Xalay la faray in ay Deg Deg u kala qaadaan Ciidamada islamarkaana markaas ka dib laga hadlo waxii wada hadal ah oo dhiman.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug ayaa Labaduba sheegay in ay diyaar u yihiin dhaqan galinta iyo Ilaalinta Heshiiskii ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo si Gobolka Mudug Dadka ku nool ay Nabad u helaan,Shacabkii Barakacayna ay dib ugu soo laabtaan Magaalada.

By: Jaamac Abdurahaman

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com