Madaxda Maamul gobaleedyadda oo Muqdisho ku Wajahan

Wararka hoose ay helayso Radio daljir ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Maamul gobaleedyada ee ku shirsan kismaayo la filayaa warmurtiyeedka kadib inay u safraan Magaalo madaxda Somaaliya ee Muqdisho ,halkaas oo laga sugayo inay kaga qayb galaan shirweynihii dib u dhacay ee Arrimaha dastuurka,

tagidda muqdisho ee Madaxda Maamuladda ayaa timid kadib marki uu la hadlay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaaliya Maxamed Cabdulaahi farmaajo ,kaas oo la shiri doona Madaxda Maamuladda.

Qodobo dhowr ah ayaa la sheegayaa in Madaxda shanta ah ee kala matalaya Jubbaland, Koofur Galbeed, Galmudug, Puntland iyo Hir-Shabeelle ay hor dhigayaan Dowladda Federaalka ah oo uu hogaamiyo Mudane Farmaajo.

sido kale Arimaha kale ee ay dowladda Hordhigayaan Waxaa kamid ah Arimaha Galmudug iyo khilaafka xoogan ee kadhex taagan Madaxda galmudug & in dowladuu kanoqoto mid dhex dhexaad ah oo dhinacna aysan la safan.

Wixii kuso kordha Daljir.com kalasoco


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com