Madaxda Maamul Gobaleedyada oo Muqdisho ku Wajahan iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Tagay

Madaxda Maamul Gobaleedyada oo Muqdisho ku Wajahan iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Tagay

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wafdiga oo ka yimid Magaalada Baydhabo ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Wasradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Shariif Xasan ayaa ka qeyb geli doono Shirka wadatashiga dowlad goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya kaas oo la filayo in uu Maalinta Berito ah ka furmo Magaalada Muqdisho ka dib markii u iclaamiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhinaca kale Madaxda Kale ee Maamul gobaleedyada ayaa la filayaa inay garaan Muqdisho si shirkaas uga qayb galaan shirkaas.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com