Madaxda ku shiraya Garoowe oo laga sugayo xisaab celin dhaqaalle lasiiyay (akhriso)

Madaxda ku shiraya Garoowe oo laga sugayo xisaab celin dhaqaalle lasiiyay (akhriso)

Madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa laga codsaday xisaab celinta lacago ay dowladda Soomaaliya ay siisay, taasi oo ka timid Bankiga Adduunka, sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Faderaalka Cabdiramxaan Ducaalle Bayle ayaa bartiisa xiriirka bulshada soo dhigay qoraal uu ku dalbanayo in xisaab celin lasoo sameeyo lacagaha madaxda dowlad goboleedyada ay dowladda siisay.

Qoraalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo shir uu dowlad goboleedyada uga socdo madaxtooyada Garoowe, kaasi oo ay kaga hadlayaan arrimaha siyaasadda, waxaana hakad ku jira wada shaqaynta labada dhinac.

Qaar ka mid ah bulshada ayaa rumaysan hogaamiyeyaasha shirarkooda inuu yahay mid ku salaysan danahooda gaarka ah, balse aanay jirin qorshe cad iyo isla xisaabtan ay dowladda uga gol leeyihiin shirarka usocda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com