Madaxda jubbaland iyo waxgaradka Gedo oo amaanka ka hadlay

Madaxda jubbaland iyo waxgaradka Gedo oo amaanka ka hadlay

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo maalmahaan ku sugan deegaano ka tirsan gobolka Gedo ayaa degmada Ceelwaaq ee kula kulmay odayaasha dhaqanka,Ganacsasada iyo dhalinyarada ku dhaqan degmadaasi.

Kulankooda oo saacado badan qaatay ayaa waxaa ay uga hadleen arrimo ay ka mid yihiin sugida dhinaca Amniga ee deegaanada gobolka Gedo iyo sidii bulshada iyo Maamulka uga wada shaqayn lahaayeen Sugidda Amniga iyo ilaalinta xasiloonida deegaanka.

Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa horay ula kulmay maamulada degmooyin ka tirsan gobolka gedo iyo Saraakiisha ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com