Madaxda Jabuuti iyo Masar oo kawadda hadlay xiriirka labada dal

Madaxda Jabuuti iyo Masar oo kawadda hadlay xiriirka labada dal

Wasiirka arrimaha dibedda ee Masar ,Sameh Shoukry iyo dhiggiisa Dalka Jabuuti, Maxamed Cali Yuusuf, ayaa ka wada hadlay ammaanka Badda Cas iyo xaaladda Waddamada Geeska Afrika.

Labadan mas’uul ayaa ku kulmay Magaalada Addis ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya, xilli ay isu diyaarinayeen shirka Waddamada Midowga Afrika oo dhowaan ka dhici doona halkaas, sida ay daabacday Jariiradda Anadolu.

War ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibedda Masar ayaa sidoo kale lagu sheegay, in Labada Mas’uul ay ka wada hadleen xaaladda nabad gelyo ee Bariga Afrika, xiriirka Jabuuti iyo Eretrea, horumarrada ka jira Soomaaliya iyo Yemen iyo arrimaha amni ee Badda Cas.

Labada wasiir ayaa sidoo kale Diiradda saaray muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida Gobolka iyo Badda Cas, iyaga oo isla qaadaa-dhigay sidii loo hirgelin lahaa barnaamijyo horumarineed oo wadajir ah oo ay Soomaaliyana qeyb ka tahay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com