Madaxda Galmudug oo kulan la qaatay Xildhibaan Mahad salaad

Shalay gelinkii Dambe ayuu gaaray Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, isaga oo ka ambabaxay Magalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magalada Dhuusamnareeb ayaa waxaa kulan gaar ah oo soo dhaweyn ah uu xildhibaanka kula yeeshay Madaxda Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Sheekir Cali Xasan, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.

Madaxda Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa Xildhibaanka uga Mahadceliyay Booqashadii uu ku tegay Deegaanada Galmudug.Sidoo kale waxa uu ku Xildhibaanka ku booriyay in uu ka qeyb qaato midnimada Soomaaliya.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com