Madaxda Dowlad Goboleedyada oo looga digay inay faragalin ku sameeyaan khilaafka Galmudug (dhegayso)

Madaxda Galmudug ayaa waxaa soo kala dhexgalay khilaaf xoogan, kadib markii madaxwayne kuxigeenka Galmudug iyo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ay kasoo horjeesteen midayntii baarlamaanka Ahlu Sunah iyo Galmudug.

Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabay ayaa waxaa uu uga digay madaxda dowlad goboleedyada inay soo faragaliyaan xiisadda siyaasadeed ee Galmudug, iyagoo taageero siinaya madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Waxaa uu sheegay madaxwaynayaasha Puntland, Jubaland , Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ay u furantahay kaliya hal waddo ah oo inay ka shaqeeyaan rabitaanka shacabka Galmudug.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com