Madaxda dhaqanka ee gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo si kulul u cambaareeyay fal shalay ciidamo Kenyaati ah dad ay ku dileen deegaan hoos taga Kismaayo.

Kismaayo, Sep 24- Madaxda dhaqanka iyo wax-garadka gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa si kulul u cambaareeyay dhacdo xanuun badan oo shalay galab ka dhacday deegaanka Janaay-cabdala oo ku dhaw Kismaayo taasoo ciidanka Amison gaar ahaan dawladda Kenya oo qayb ka ah ay ku dileen sagaal qof oo xoolo dhaqataa.


Sida ay Radio daljir u sheegeen falkaas ayay ciidanka Kenya toogasho ugu gaysteen xili ay marayeen jidka muhiimka u ah dhinaca magaalada Kismaayo dadkan ayay wararku sheegayaan inay ahaayeen xoolo dhaqato reer miyi ah kuwaasoo biyo ka dhaansanaya isla deegaanka.


Nabadoon Xasan Xuseen Maxamed oo xalay u waramay Daljir ayaa falkaasi ku tilmaamay mid ay dareen murugo xambaarsan ayna arintaas eedeeda dusha kaga tuurayaan cid walboo qayb ka qaadatay keenista gobolada Jubbooyinka ciidanka Kenya.


Suldaan Ibraahim Aaden Buule oo isaguna ka mida Isimada gobolka Gedo oo maantoo Isniina waraysi siiyay Radio daljir ayaa tilmaamay inay si ballaaran oga xunyihiin falkaas wuxuuna suldaanku sheegay inaysan ahayn markii ugu horaysay oo ciidanka Kenya ay dad ku xasuuqaan gobolada koonfur-galbeed Soomaaliya.


Ciidanka Kenya oo dhawaan ku soo biiray hawl-galka midawga afrika ee Amison ayaa dhawr jeer hore lagu eedeeyay inay tacadi aan loo meel dayin ay u gaysatay dadka dagan gobolada koonfur-galbeed Soomaaliya.


Diiwaanka Wararka daljir


(S)

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com