Madaxda Dawladda Goboleedyadda oo kulan La Qaatay Wakiilka Qaramada Midoobey Soomaaliya (Sawiro)

HomeWararka

Madaxda Dawladda Goboleedyadda oo kulan La Qaatay Wakiilka Qaramada Midoobey Soomaaliya (Sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland, ahna Guddoomiyaha Madasha Iskaashiga dawladdaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cal

Muddaharaad ballaaran oo looga soo horjeedo maamulka Mustafe Cagjar oo ka dhacay Degmada Yucub ee gobolka Doollo
Xildhibaan Musharax Ibraahim Isaaq Yaroow oo ka hadlay Xildhibaan Muqdisho ku geeriyooday (dhegayso)
Barlamaanka Hiirshabeele oo ansixiyeey Guddiga doorashada Madaxweynaha & ku xigeenkisa

Madaxweynaha Dowladda Puntland, ahna Guddoomiyaha Madasha Iskaashiga dawladdaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 03 Sup 2018 shir guddoomiyey kulan ay Madaxweynayaasha Maamulada Soomaaliya la qaateen wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Michael Keating.

Kulanka oo ka qabsoomay guriga martida ee Kismaayo aayaa loogu gogol xaadhayey shirka Madasha wadatashiga Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya oo maalinimada berito ka furmaya Kismaayo, shirkaas oo Ammbassador Michael Keating lagu sharfay inuu maalinimada berito khudbad ka jeediyo , madaama muddo xiliyeedkii uu ka dhammaandoono dhawaan.

Kulankan maanta ay wada qaateen Madaxwenayaasha iyo Michael Keating ayaaa waxaa looga wadahadlay doorka qaramada midoobey ay ku leeyihiin Soomaaliya, gaar ahaan Maamulada Soomaaliya, wanaajinta wadda shaqaynta iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Shirka Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa maalinimada berito ka furmidoona magaalada Kismaayo, gaar ahaan guriga martida, waxaana ka qaybgelidoona Madaxweynaha Dowladda Puntlnad Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo dhammaan Madaxweynayaasha maalmul goboleedyada.

Madaxweynaha dawladda Puntland, ahna Guddoomiyaha Madasha Iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku hawlan sidii guul waarta looga gaadhilahaa xal u helida wadashaqaynta, nabadaynta iyo taabegelinta federalism ee ka dhaxaysa Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: