Madaxa xuquuqda aadanaha ee QM oo canbaaraysay dowladda Suuriya

News York,Feb 14 -Madaxa golaha xuquuqda aadanaha ee qaramada midoobey gabadha Navi Pillay ayaa sheegtay in guuldaradii qaraarkii golaha ammaanka ee qaramada midoobeye ee dalka Suuriya uu ku dhiirigeliyey nidaamka madaxwetyne Assadka Suuriya in uu ku dhiirado weeraro arxandaro ah oo ka dhan ah mucaaradk,waxana ay tilmaantay in si aan kala sooc lahayn loo duqeeyey magaalada Ximsi .

Navi Pillay ayaa isniintii shalaytoole mar ay ka hadlaysay golaha loo dhanyahay ee qaramada midoobey tilmaantay in dowladda Suuriya ay xoog u adeegsanayso mucaaradka iyo dadka rayidka ah,islamarkaana la galay denbiyo ka dhan ah bani aadantinimada,waxana ay xustay in lix kun oo qof ay dhinteen muddo ka yar sanad.

Dadka u dhaqdhaaqa xuquuqda aadanaha ee Suuriya ayaa sheegaya in ciidamada dowladddu ay weerarkii magaalada ximsi ku dilleen illaa 500 qof,tan iyo 4tii bishan February.

Weerarka ciidamada Suuriya ayaa bilaabmay ,kaddib markii dalalka Ruushanka iyo Shiinuhu ay codka diidmada qayaxan ee Veto-ga hor dhigeen qaraarkii golaha ammaanka ee ka dhanka ah nidaamka Suuriya oo ku baaqayey in madaxweyne Assad uu xilka madaxtinimada ee dalkaasi iska casilo.

wasiirka arimaha dibadda ee dalka Ruushanka Sergei Lavrov ayaa isniitnii shalaytoole sheegay in dalkiisu aanu taageeridoonin qorshaha la doonayo in ciidamo nabad-ilaalin ah loogu diro dalka Suuriya,iyadoo aan la soo afjarin rabshadaha dalkaasi ka jira,waxana hadalkani yimi kaddib markii ururka Jaamacadda Carabtu uu weydiistay golaha ammaanka ee qaramada midoobey in la abuuro ciidamo isku dhaf ah oo hawlgal nabad-ilaalin ah ka bilaaba dalka Suuriya.

Abdirashid Musse
Daljir,Bosaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com