Madaxa Xukuumadda Galmudug oo ka hadlay Ciribtrka Alshabaab

Madaxa Xukuumadda Galmudug oo ka hadlay Ciribtrka Alshabaab

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu doonayo in uu noqdo maamulka ugu horreeya ee degaannadiisa ka ciribtira Al-shabaab.

Sheekh Shaakir waxaa uu ka hadlayay gaba gabada shirkii amniga ee Magaalada Dhuusamareeb ka socday saddexdii maalin ee la soo dhaafay.

Waxaa uu Madaxa Xukuumadda Galmudug intaas ku daray in Galmudug ay dooneyso in ay noqoto maamul Goboleedka dadkiisa ay doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo Sanadka 2020,intaas ka horna ay Al-shabaab ka saaraan degaannadooda.

Dadka degaannada Galmudug ayuu ugu baaqay in ay maamulka gacan ka siiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ay doonayaan in ay ka billaabaan degaannada Galmudug.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com