Site icon Radio Daljir

Madaxa QM ee la socodka xabadjoojinta jilicsan ee Xudayda oo la kulmay dhinacyada

Patrick Cammaert, oo ah howlgalka dhanka ciidamada darajada Janeraal, horayna uga soo shaqeeyey jamhuuriyadda Congo iyo Sirilanka ayaa kormeeraya goobaha dagaalamayaasha ay ka baxeen.

Patrick Cammaert, oo ah howlgalka dhanka ciidamada darajada Janeraal, horayna uga soo shaqeeyey jamhuuriyadda Congo iyo Sirilanka ayaa kormeeraya goobaha dagaalamayaasha ay ka baxeen.

Maxada QM ee howlgalka kormeeridda xabad joojinta jilicsan ee magaalada dekedda leh ee Xudayda  ayaa gaaray magaalada Cadan.

Patric Cammaert, howlgabka dhanka janeeraal horayna uga soo shaqeeyey dalalka Sirilanka, DRC iyo Combodia ayaa gaaray magaalada Cadan, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo masuuliyiin iyo wakiilo katirsan dowladda Yemen iyo jamhadda hubaysan ee Xuutiga ee gacanta ku haysa magaalada Xudayda.

Kooxda Cammaert ayaa kormeeri doona sida ay u dhaqan gashay xabad joojinta jilicsan ee magaalada Xudayda iyo gargaarka cuntada ee la gaarsiinayo magaalooyinka Yemen ee ku xiranaya dekedda Xudayda.

Socdaalka Patric Cammaert ayaa imaanaysa xilli Golaha Ammaanka ee QM uu si loo dhanyahay u ansixiyay qaraar ogolaanaya in kormeerayaal loo diro magaalada Xudayda, kadib wada xaajood xabad joojin ah oo todobaadkii lasoo dhaafay dowladda iyo mucaaradka Yemen ee hubaysan ay ku kala saxiixdeen wadanka Sweden.

 

Exit mobile version