Madaxweynaha DDS oo maanta booqdey Xarunta Laanta Jinsiyadaha iyo Socdaalka ee Jigjiga (Sawiro)

Madaxweynaha DDS oo maanta booqdey Xarunta Laanta Jinsiyadaha iyo Socdaalka ee Jigjiga (Sawiro)

Mudooyinka danbaba waxaa jiray cabashooyin badan laga soo sheegayo adeeg bixinta laanta socdaalka iyo jinsiyadaha, gaar ahaan xarunta ay ku leedahay magaalada Jigjiga.

Taas oo dadka u doonta xarunta baasiboorka ay sheeganayeen rafaad iyo adeeg xumo inay kala kulmaan xaruntaas.

Hadaba madaxwaynaha deegaanka Soomaalida mudane Mustafe Muxumed Cumar, oo ka duulaya xaqiijinta arintaas iyo waxa ka jira ayaa wuxuu maanta booqday xarunta laanta socdaalka iyo jinsiyaduhu ku leedahay magaalada jigjiga,madaxweyne Cagjar ayaa markuu tagay xaruntan wuxuu ugu horayn si gaara ula kulmay kana xog wareystay adeeg bixintu sida ay tahay bulshada adeega u soo doonatay oo hor taagnaa xaruntan iyagona madaxwaynaha si faahfaahsan ugu sheegey waxyaabaha ay xaruntan kala kulmaan wakhtiyada adeeg bixinta ay u soo doontaan.

Madaxwaynaha ayaa ka dib markuu dhagaystey waxyaabaha ay shacabku u sheegeen wuxuu la kulmay shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta laanta socdaalka iyo jinsiyadaha isaga oona u kuur galay meelaha uu ka jiro adeeg xumadu.

Diwaanka
Wararka daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com