
Murcanyo, November 24, 2013 – Saraakiil ka socda hay?ada bisha Cas ayaa manata gaaray degmada Murcanyo ee gobolka Guardafu, halkaas oo si xoogan ay u saamaysay duufaantii dhowaan ku dhufatay qaybo ka mid ah gobollada Puntland.
Masuuliyiinta ka socday hay?ada Bisha Cas ayaa gudaha degmada kulamo kala duwan la qaatay maamulka degmada iyo odoyaasha dhaqanka, waxay waxgaradka iyo maamulku ka warbixiyeen sida loogu waxyeeloobay duufaantii dhowaan dhacday.
Bisha Cas masuuliyiinta ka socday, sidoo kale waxay soo kormeereen meelaha tuulooyinka ee duufaantu ka dhacday isla markaasna hoostaga degmada Murcanyo ee gobolka Guardafu.
Gudoomiyaha degmada Murcanyo Cabdiraxmaan Muuse cumar oo la hadlay idaacada daljir, ayaa sheegay inay saraakiisha Bisha Cas u gudbiyeen sidii wax u dheceen iyo baaxada ay le?eg tahay duufaantii deegaanka waxyeeshay.
?madaxdii ka socday Bisha Cas waxay noo balan-qaadeen inay si deg deg ah deegaanka wax u keeni doonaan oo caawimaad ka bilaabi doonaan.? Ayuu yiri Cabdiraxmaan Muuse.
Maamulka degmada Murcanyo waxaa ay sheegeen in duufaantu raad adag oo nololeed iyo mid dhaqaale intaba ku reebtay dadka kalluumaysatada iyo xoolalayda isugu jira, gudoomiye Cabdiraxmaan ayaa xusay in dadka qaybtood aysan haysan wax ay noloshooda ku deberaan.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir
Dhegeyso: Gudoomiye Cabdiraxmaan Muuse oo u waramay Aamina Ladan oo Daljir ka tirsan
FAALLOOYIN & FALCELIN