Madasha oo ku baaqday inay is casilaan guddiga KMG ah ee doorashooyinka

Madasha oo ku baaqday inay is casilaan guddiga KMG ah ee doorashooyinka

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa war saxaafadeed culus ayaa si kulul uga falceliyay hadal jeedintii shalay ee Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Ismaaciil, iyadoo Madashu ku celisay walwalka ay ka qabaan in hoggaanka dowladda Federaalka uu ka cagajiidayo qabashada doorasho waqtigeeda ku dhacda, taasoo ku qabsoonta sifo waafaqsan sharciga doorashooyinka ee habka Xisbiyada badan.

War saxaafadeedka Madasha ayaa loogu baaqay Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran inay is casilaan, ayna aheyn dhex dhexaad madaxa bannaan sida Dastuurki siiyay, kuna milmeen hoggaanka dalka, kana shaqeynayaan muddo kororsi GMDQ iyo Hoggaanka dalka ku wada joogaan.

Sidoo kale waxaa ay ku eedeeyeen inuu Guddigu ku fashilmay qabashada doorasho qof iyo cod ah oo waqtigeeda ku dhacda.

Madashu ayaa sheegay in muddo xileedka Madaxweynaha uu ku egyahay 7 bisha Febraayo 2021, sidoo kale muddo xileedka Golayaasha sharci dejinta uu ku egyahay 27 November 2020, sidaas darteed ma jirto sharci u ogolaanaya inay mudada kororsadaan, kuna darsado maalin dheeri ah.

Hoos ka akhriso Qoraalka

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com