Muqdisho, May, 03 – Dab qasaaro hantiyadeed iyo mid nafeed gaystay ayaa ka kacay Suuqa bakaaraha ee Magalada Muqdishoka dib markii uu ku habsadeen madaafiic laga soo ganay dhinaca dawladda sida uu Daljir u sheegay guddoomiyaha suuqaasi Cali Dheere.
Waxa uu sheegay guddoomiyaha gudiga ganacsatadu in madaafiicda ay soo tureen ciidamada Amisom ee jooga magaalada wasaaraddii hore ee Gaashaandhigga oo dhawaan ay la wareegeen ciidamadaasi, ayna bakhaarro waa wayn oo raashinka lagu kaydiyo, kuwaas oo qaar kkod basbeeley qaarna uu damiyyey roob qabtay suuqa wax yar ka dib dhacdaasi.
Warar hor dhaca ayaa sheegaya in ilaa sedex qof ay ku dhinteen goobtaasi ayna dad kale ku dhaawacameen, uuna jiro khasaare hantiyeed oo ballaaran.
waxaan ilaa imika jirin cid ka hadashay dhanka dawlada federaalka iyo saraakiisha amisom o iyaga lagu edeynayo in ay ka danbeyeen weraradaasi qasaaraha ka dhasheen.
Maxamed Cabdi Xuseen ?Kuriya?
Daljir Bossaso
FAALLOOYIN & FALCELIN