Hoggaamiyaha Guud Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa goordhow ku dhawaaqay in uu guud ahaan ururka uu ka tanaasulay Siyaasadda maamulka Galmudug.

Macalin Maxamuud oo la hadlayay saxaafada ayaa sheegay inaysan aqbali karin in dad shacab ah ay ku dhintaan dagaalo ka dhaca Galmudug sidaa awgeedna ay uga tanaasuleen dhammaan ka qeybgalka siyaasada Galmudug.

”Waxaan ka tanaasulney go’aankeenii siyaasadeed ee Hoggaaminta Galmudug , inagu diyaar uma nihin in markale dhiig daato ama bulshadu iska hor imaato , waxaan u taanaganahay doorkeenii diimeed iyo caqiiqada Ahlusunna Waljamaaca oo aan usii taagnaan doono ” ayuu yiri Hoggaamiyaha Ahlusunna.

Hoggaamiyaha Ahlu Sunna iyo madax kale oo ka tirsanaa ururkaas ayaa saaka waaberigii isu dhiibay ciidamada dowlada kadib markii madaafiic xoog leh lagu garaacay xaruntii ay ugaga sugnaayeen magaalada Dhuusamareeb.

Ciidanka Milatariga Soomaaliya gaar ahaan Guutadda 15-aad oo u badan Ciidankii Ahlusunna ee la qarameeyay ayaa la wareegay Ammaanka Madaxda ugu sareysa Ahlusunna.

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *