Site icon Radio Daljir

Macalimiin lagu dilay Mandheera

Laba macalin ayaa lagu dilay dugsi ku yaala magaalada Mandheera ee Kenya, waxaana masuuliyadda dilka sheegtay Al-shabaab.

Afhayeenka Al-shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa u sheegay Reuters inay dileen macalimiin aan muslim ahayn, sida uu hadalka u dhigay.

Macalimiinta ayaa maydadkooda oo gubtay la helay, kaasi oo ka dhashay qarax.

Ciidamada ammaanka ee Kenya ayaa baaritaano ka wada magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari.

 

Exit mobile version