MAANHADAL: Maqaamka & Matalaada Muqdisho (dhegayso)

MAANHADAL: Maqaamka & Matalaada Muqdisho (dhegayso)

27 kii bishii June ee aan soo dhaafnay baarlamaanka Soomaaliya wuxuu meel mariyey qaraar ay mooshinkiisa soo gudbiyeen xildhibaano katirsan baarlamaanka oo dhigayey in gobolka Banaadir la siiyo matalaaad aqalka sare ah oo dhan 13 kursi, dood mudo todobaad ah socotey oo natiijadeeda cod la geliyey ayaa 142 mudane oo kamid ahaa 146 mudane oo fadhiyey kulanka maalintaas waxay ogolaadeen in gobolka Banadir 13 Xildhibaan ku yeesho aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Arintan ayaa hadal hayn badan dhalisay taasoo xasarad siyaasadeed ka dhex abuurtay qaar kamid ah saamileyda siyaaasada ee Soomaaliya, doodaha ka dhashay arintan ayaa isugu jira kuwo dhinaca sharciga ah iyo kuwo siyaaasadeed.

Qaraarkan iyo doodo kale oo baaarlamaanka Soomaaliya ka lahaa arimaha doorashooyinka dalka waxay sababeen in Puntland ka baqato tegitaanka shir uu iclaamiyey Madaxweynaha Soomaaliya oo gogoshiisu taalo Muqdisho.

Ansixinta golaha baarlamaanka ee kuraasta gobolka Banaadir waxay yeelatay saamayn siyaasadeed iyo mid sharci taas oo keentay hadalhayn xoog badan.

Hadaba muxuu salka ku hayaa go,aankan baarlamaanku sharci ahaan?
Maxaase loo cuskaday in sharci darro lagu tilmaamo go,aankan?

Waa Mowduuca Barnaamijka Maanhadal waxaana ka qayb galaysa Aqoonyahano iyo siyaasiyin kala duwan.

Khadar Cawl ayaa ka soo jeedinaya Garoowe.

Hoos kaga bogo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com