MAANHADAL: Khilaafka doorashada Somaaliya (dhegayso)

MAANHADAL: Khilaafka doorashada Somaaliya (dhegayso)

Marxalad kala guur ah ayuu galay dalku ilaa hadana majirto doorasho nooceeda iyo xiliga ay dhacayso heshiis lagu yahay, Madaxda Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ahna todobaadkan waxay u balansan yihiin shir Ujeedadiisu tahay in laga heshiiyo nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa sanadka 2021 iyo qorshaynta tubraaceeda.

Inkasta oo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya todobaadkii hore shir ay qabsadeen Isku raaceen in Doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo, hadana waxaan ilaa hada muuqa Inaan la isku waafaqsanayn doorashada nooceeda iyo qaabkeeda farsamo.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo Arbacadii hadlayeyna wuxuu sheegay in go’aan ka gaarista arimaha doorashooyinka ay baarlamaanka oo keliya xaq u leeyihiin.

Hadalka Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa dadka arimaha Siyaasada falanqeeyaa ku sheegeen mid sii cakiraya kala aragti duwanaanta arimaha Doorashada ee Dowlad Goboleedyada, Iyo Dowlada Federalka ah gaar ahaana baarlamaanka iyo gudiga Doorashooyinka.

Hadaba maxaa laga filan karaa shirka Dhuusamareeb ay ku balansan yihiin madaxda Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya & Dowlad goboleedyada? Sidee la isugu soo dhoweyn karaa aragtida baarlamaanka ee ah in iyaga keliya xaq u leeyihiin go’aanka doorashada iyo Dowlad goboleedyada oo aan fikir kaas la qabin. waa mowduuca barnaamijka Maanhadal ee maanta oo Jimce ah.

Hoos kaga bogo Barnaamijka Maanhadal.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com