MAANHADAL: Kenya oo Soomaaliya hordhigaysa xujooyin cusub si ay uga dhabayso damaceeda badeed (dhegayso|daawo)

MAANHADAL: Kenya oo Soomaaliya hordhigaysa xujooyin cusub si ay uga dhabayso damaceeda badeed (dhegayso|daawo)

Kaddib markii uu dhicisoobay shirkii RW Abiy Axmed uu garwadeenka ka ahaa ee u dhexeeyey Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru, ayaa durba waxa ay Kenya biloowday dhowr cadaadis oo ay DFS saareyso si ay uga dhabayso damaceeda ah in ay la wareegto qayb badda Soomaaliya ee taal xudduuda labada dal.

Soomaaliya oo hore uga biyadiiday dalabaadka Kenya ayaa Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ dacwad Kenya ka dhan ah gudbisay, waxaana weli la sugayaa go’aanka Maxkamadda.

Cadaadiska hadda ay dowladda Kenya ku biloowday DFS ayaa ka kooban dhowr qodob oo kala ah:

  1. Ciidamada Kenya ee ka hawlgala Jubaland oo joojiya hawlgallada ka dhanka ah al-Shabaab amaba ka baxa Jubaland
  2. Duullimaadyadii Nairobi oo loo wareejiyo Wajeer
  3. Xeradii qaxootiga Dhadhaab oo la xirayo
  4. Xiriir doc faruur ku ah DFS oo ay la yeelato Somaliland

Maanhadal maanta waxaa nagala qaybgalaya Danjirihii hore  ee Soomaaliya u fadhiyey QM Danjire Ciid Baddal Maxamed. Waxaa kale oo barnaamijka marti u ah Eng. Cabdisalaan Xaaji Ismaaciil oo ah u qareeme qaranimada Soomaaliya iyo Qoraa Maxamed Xassan Cirro.

Hoos kaga bogo MAANHADAL iyo maanta.

Halkan hoose kadaawo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com