Site icon Radio Daljir

MAANHADAL: Abukar Arman iyo Shirka London (dhegayso)

Barnaamijka MAANHADAL ee Maanta oo Jimce ah waxaa marti u ah dibloomaasi, aqoonyahan, iyo khabiir siyaasadeed Abuukar Arman. Abuukar waxa uu si qoto dheer uga faalloonayaa shirka London, kii ka horreeyey ee isla London, kii Brussels, damaca iyo siyaasadda dawladaha adduunka ee ku aaddan Soomaaliya, liidashada siyaasiyiinta iyo hugaamiyayaasha Soomaalida, deymaha Soomaaliya lagu leeyahay, kuwii Madaxweyne Xasan Shiikh ku sii daray, kuwa la galin doono shirka London kabacdi, yabooha lacagaha, meelaha ay ka yimaadaan, meelaha lagu xisaabiyo, sida loo xisaabiyo, danta laga leeyahay, iyo meelaha ay aadeen $50 billion oo Soomaaliya loogu deeqay ama la deymiyey sannadihii 1991 illaa 2011 (20 sano oo sannad walba ahayd $2.5 bilyan doolarka Maraykanka). Maxaa lagu qabtay lacagahaas $50ka bilyan ah, xaggee se aadeen oo maanta la arki karo, lana taaban karo, maxaa looga danlahaa bixintooda, anagu se dad ahaan iyo Soomaali ahaan maxaan ka baranay?

Hoos ka dhegayso oo ka bogo Maanhadal, Maanta iyo Abuukar Arman

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/49193/59158c05050100b4b6ec39c1/MAANHADAL.JFA.12.5.2017.GAALKAIO+.mp3?_=1

HOOS ARAG Qoraalo kale oo Abuukar Arman la xiriira:

Maanhadal & Maanta iyo Abuukar Arman: Shirka London Muxuu Yahay, Muxuu se kaga Duwanyahay Kuwii Hore?

Damaashaadka Hilbaysiga & Feenashada Soomaaliya ee London

Exit mobile version