MAANHADAL: Abukar Arman iyo Shirka London (dhegayso)

MAANHADAL: Abukar Arman iyo Shirka London (dhegayso)

Barnaamijka MAANHADAL ee Maanta oo Jimce ah waxaa marti u ah dibloomaasi, aqoonyahan, iyo khabiir siyaasadeed Abuukar Arman. Abuukar waxa uu si qoto dheer uga faalloonayaa shirka London, kii ka horreeyey ee isla London, kii Brussels, damaca iyo siyaasadda dawladaha adduunka ee ku aaddan Soomaaliya, liidashada siyaasiyiinta iyo hugaamiyayaasha Soomaalida, deymaha Soomaaliya lagu leeyahay, kuwii Madaxweyne Xasan Shiikh ku sii daray, kuwa la galin doono shirka London kabacdi, yabooha lacagaha, meelaha ay ka yimaadaan, meelaha lagu xisaabiyo, sida loo xisaabiyo, danta laga leeyahay, iyo meelaha ay aadeen $50 billion oo Soomaaliya loogu deeqay ama la deymiyey sannadihii 1991 illaa 2011 (20 sano oo sannad walba ahayd $2.5 bilyan doolarka Maraykanka). Maxaa lagu qabtay lacagahaas $50ka bilyan ah, xaggee se aadeen oo maanta la arki karo, lana taaban karo, maxaa looga danlahaa bixintooda, anagu se dad ahaan iyo Soomaali ahaan maxaan ka baranay?

Hoos ka dhegayso oo ka bogo Maanhadal, Maanta iyo Abuukar Arman

HOOS ARAG Qoraalo kale oo Abuukar Arman la xiriira:

Maanhadal & Maanta iyo Abuukar Arman: Shirka London Muxuu Yahay, Muxuu se kaga Duwanyahay Kuwii Hore?

Damaashaadka Hilbaysiga & Feenashada Soomaaliya ee London

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 20
  • Xaa kaa galay adiga shaqadada miyaa xaasa kabedeli kartaa
    Sidadaba waxana fal kageysa karn ilma dhaxdoda laguma shegshego

  • ‘Wax walba run moodaa rag u liitaa la yiri’ mahadsanid radio dal-jir

  • Waanu idinlashaqaynaynaa oo idinka taageeraynaa xaga dhaqaalaha iyo amniga waa hadalka gaaladu ku tidhaa afrikaanka marba ka cusub ee yidhaa anaa lay doortay markaa cida rumaysata ayaa ugu caqli liidata u fiirso xiligii xasan sheekh dawarsigii ugu waynaa ayaa aduunyada loogu dawaray oo labalanqaaday 2.5bilyan doolar lagu yidhi waanu kugu cawinay xagay ku danbaysay ma xasanshedkh ayaa cunay iswaydii mise ingiriis ayaa cunay ilayn asagaa aduunka u dawaraye markaa balan qaadka gaalada inaad bsrato ayaa fiican hadiikale run mood

  • xitaa mala dhihi
    intaas oo lcg ah
    shaqsiyaal jebkoda
    ku dhacday wale
    waa sheegashO
    iska cad tan
    hdda deentaas
    ma layska rappah
    markaH

  • Lacgataan intaa LA IGA somaliya ma timaado been baa lo shega balan qaad jog jog mesha joga weeya

  • cabdilaahi bakayle 0907395612 7 years ago

    runtii hadaan aragtideyda ka dhiibto shirkii lamdon wuxuu ahaa kulan reer galbeedku ay ku wiiqayeen dadnimada soomaliyed
    waxaana ka dheehan kartaa ajandayaasshi laga arinsanayey
    oo ugu horeyso in dawlada soomaliyed oo isku diyaarineysey isku dhaf ciidamo qaran oo u dalku yeesho
    taa badalkeedan waxaa loogu badalay
    in ciidamo kaloo dheerad ah oo amisom ah lagu soo daad gureeyo dalka oo horey la dhibtoonayey hagardaamada ay kuwii hore sameeyen.
    mida labaad waxa weeye,
    waxaa loogu deeqey lacag gaareysa 600 milyan oo aan toos ugu soo dhacayn bangiga dowlada iyadoo la ogyahay halkay mareen lacagihii hore ee soomaliya loogu yaba’oohi jirey shirarki kuwan ka horeeyey
    guntii iyo gaba gabadi shirkaas waxaan ku tilmaami karaa mid lagu wiiqaya midnimada iyo dib u dhisska dalka
    laguna diidanyahay iney soomali lugaheeda ku istaagto

    mahadsanidiin

  • Idinka xtaa tuugaa tihiin in la idiin dhiibaa rabtaan oo qodiin wax ka dhacdaan tuug alle ka furtay

  • Waxaa ka faa iiday shaqsiyaad somali iyo ajnabi isugu jira lkn bulshosomaliyeed kama faa iidin

  • Dadka waxaa ugu liita waxaan tadhan karin loona talin karin.

  • Aniga waxay ila tahay tijaabo inloola jeedo

  • AHMED FAHIE 7763115 7 years ago

    shirka ladaon waa mid somaali xal loogu raadinayo ilaahay hafududeeyo

  • Amisoom ayay gaaladu muqdisho u xilsaartay ninka amarkooda diidayaana asagaa cirka roob ku og waayo 24000 kun oo asgara oo qalabaysan ayaa loo keenay markaa caqliyaraa farmaajo ciidan ii dhisa adeer ciidanka adugu dhiso oo mushaharkooda la soo bax hadaad damiirleedahay aduunku soomaaliland oo ciidanka ugu badan leh ayay arkaan markaa ku dayo dee

  • Maan gaab adigu maxaad uqabatay,mawaxaad kuqabsantahay inaad dad wax,qabanaya wax,kashewgto

  • Maya !!! Talaw yaa bixin doona Dayntaas Ma dalkaa loo xaraashayaa!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!1

  • waxba ma jiraan gaalo ayaa tashatay waana loo fulinaayaa hawlahooda

  • maxamuud cumar 7 years ago

    mansha allah

  • Waxay ila tahay goboladu inay wax badan ka ogaan doonaan

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com