Maanhadal: Dhalinyarada isxilqaamay ee ka kacday Puntland (dhegayso)

Maanhadal: Dhalinyarada isxilqaamay ee ka kacday Puntland (dhegayso)

Waxaa muddooyinkii u dambeeyey deegaamada Puntland ku baahayay dhalinyaro si iskood ah isku xilqaamay kuwaasi oo ka shaqaynaya bilicda magaalooyinka ay ku nool yihiin, iyaga oo aan cidna maalgelin.

Dhalintan oo si’aad ugu faafay baraha bulshada ayaa ka shaqaynaya hagaajinta iyo qurxinta waddooyinka laamiga ee magaalooyinka waawayn ee Puntland.

Haddaba sidee looga faa’iidaysan karaa kacdoonka dhalinyaro ee ka bilowda Puntland, iyadoo tan iyo burburkii dowladdii dhexe dalka dhalinyarada looga bartay ka qaybgalka dagaalada sokeeye, tahriibka iyo inay xaabada dabka lagu shito u noqdeen dhinacyada siyaasadda isku haya ee dalka.

Kaga bogo Barnaamijka Maanhadal oo xarunta Daljir ee Bosaaso uu kasoo jeedinayo Axmed Sh.Tallman.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com