Maamullada iyo odayaasha dhaqanka Mudug oo ku hawlan xal-u-helidda amman darrada gobolka.

Galkacyo, June 09- Waxaa magaalada Galkacyo ka socda dadaallo nabadeed oo aad u baaxad weyn kuwaasi oo lagu damacsan yahay in wax looga qabto lurta ka dhalan-kata weeraradii dhimashada iyo dhaawaca gaystay ee ka kala dhacay xaafadda Wadajir ee Galkacyo iyo tuulada Balli-busle.

Dadaalladaan nabadeed ee ka socda Galkacyo ayaa ah kuwo labo waji leh ayna ku kala hawllan yihiin maamulla labada dhinac oo nabadda iyo wada-noolaansha ku baadi-goobaya hab nidaam-maamuleed iyo dhinaca kale oo odayaasha dhaqankuna ay wadaan qorshe kaalintooda dhaqameed ee xal-u-helidda mushkiladihii dhacay.

Warar hordhac ah oo laga helayo maamullada iyo odayaasha dhaqanka ee isku hawlay ka hor-tagidda dhibaato kale oo dhacda ayaa sheegaya in dhinacyadu isla qaadeen waxkasta in nabad iyo wadahadal lagu dhammeeyo, loona guntado sidii aysan hurgumo colaadeed u reebeen dhacdooyinkii weerar.

Iskasta oo aysan jirin illaa haatan wax war ah oo dhinacyada kala duwani ay war-baahinta siiyeen hadda waxaa la filayaa maalmaha soo socda in uu dhaco shir weyn la isku soo hor-fariisanayo, laguna damacsan yahay in looga falanqoodo hawlaha amniga iyo arrimihii dhacay intaba.

Ma ahan markii ugu horraysay oo falal aargoosi iyo kala aanaysi ah ay ka dhacaan gobolka Mudug hase-ahaatee waxaa ugub ah dhacdooyinkii labada ahaa ee ka kala dhacay xaafadda Wadajir ee magaalada Galkacyo iyo tuulada Balli-busle kuwaasi oo ay ka dhasheen khasaaro dhimasho oo gaarsiisan 15 ruux iyo dhaawac ka badan 25 qof, kaddib weeraro gaadmo ah oo la qaaday.

Diiwaanka warar
Radio Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com